Masuuliyadda

Ficil walba oo aad ku dhaqaaqdo waxaa ka dhalanaysa natiijo, natiijadaas waxa ay noqon kartaa mid aad ku faraxdo ama aad ka qoomamayso. Haddii ay tan dambe noqoto waxaa kuu furan aqbalaad. Aqbalaaddu waxa ay ku siinaysaa awood aad kaga gudubto cawaaqibta ka dhalatay ficilkaagaas haddii aadan ku farxin. Tusaale ahaan gabadh baad tahay, wiil baad xiriir la lahayd. Wuu ku jeclaa oo uu ku dhowran jiray. Waad ku caajistay dabadeed wiil kale baad shukaansi aan mustaqbal ka muuqan la bilaabatay. Wiilkii ku jeclaa wuu ogaaday, wuuna ka baxay xiriirkaaga. Daqiiqado gudahood ayaad ku yaqiinsatay khaladka aad gashay waynankiisa isla daqiiqaddaas waxaa kuu furan labo waddo in aad aqbashid oo aad sidaas ku waydid qof ku jeclaaa, riyo iyo mustaqbalna aad la lahayd ama in aad naagnimadaada adeegsatid jacaylkaagana bad-baadisid haddii ay tan hore dhacdo oo aad badbaadin kari waydo xiriirkaas adiga ayaa khalad galay dabadeedna natiijadiisii ayaad heshay sidaas ku aqbal oo cid kale iyo calaf toonna eedda ha saarin.

Tusaale

Tusaale kale haddii aan ku siiyo, jaamacad baad dhigataa, casharadaadu aad uma sii adka niyadda waxa aad gashatay in aad xilliga imtixaanaadka wax diyaarsan doontid. Waqtigaagii arrimo kale xallintood baad ku qaadatay, xilligii imtixaanka ayaa la gaaray waxaa ku fuushay masuuliyad kale arrimo aadan filayn baa kusoo wajahay oo aan kuu saamaxayn in aad habeen ama labo ku akhrisid casharadii semester dhan la soo qaatay. Isla daqiiqaddaas marka la marayo dhalinyaradu waxa ay eedda saaraan masuuliyadda dib ka timid, oo ay nafta ku sasabaan in arrintaani ka mashquulisay imtixaan diyaarintii ayadoo xaqiiqadu tahay in ay semester ka bilowgiisiii wax akhrisan waayeen niyaddana u sheegeen in ay dhammaadka xallin doonaan.

Tusaale kale haddaan ku daro, nin baad tahay, naag iyo carruur baad leedahay. Nolosha ayaa kula qurxoonaatay waxa aad naawishay xaas kale in aad guursatid. Waad guursatay balse sidii aad filaysay wax ma noqon gurigaagii hore ee xasiloonaaa waxa uu isku baddalay meel buuq iyo dagaal carruurtaadiina waxa ay noqdeen kuwa aan helin daryeelkii hore ay u heli jireen. Haddii gurigaasi dumo, ama ay kasoo baxaan carruur aan is jeclayn oo saacad iyo layl dagaalamaya oo ay korisay hooyo masayrsan khaladkaas adigaa qaadanaya. Adigaa sasabay wax walba marka hadhow waqtiga iyo dunida midna eedda ha saarin. Tusaalayaashu waa buux haddii aad noloshaada ku eegto. Tallaabo walba oo aad qaadid labo shay oo kaliya ayaa ka dhalanaya ka ay noqotaba ogow adigu in aad masuuliyadda leedahay.

other contents

Share This Article