Daawaynta Gaaska (Gastritis)dhanka dawada:
Si loo daweeyo dhibaatooyinka uu keenay gaasku iyo calaamadaha uu qofku dareemayo dawoyinkaan ayaa lagama maarmaan ah:
Omeprazole, Lansoprozole, Eprix, Dompridone, Aluminum sulfate , Misoprostol, Metronidazole iyo kuwo kale.
Dawooyinkaan waxa ay isugu jiraan kuwo bacteriyada gaaska lagula dagaalamo, kuwo xoojiya, kuwo dhaawaca caloosha yareeya iyo kuwo dhecaanada dheefshiidka yareeya.
Markii uu qofku dawooyinkaan qaato oo uu ka bogsoodo gaaska hadii uu sii wado dawadii waxa uu la kulmi karaa xaalado ay sababeen dawooyinka waxaana kamid ah:
Xanuun lafaha ah oo ku bilaabma qofka dawada gaaska waqti dheer wada, dheecaanka dheefshiidka oo yaraada, iyo hurdo laaan.
Si xaaladahaan looga gaashaanto qofku marka uu ku caafimaado dawada gaaska waa in uu joojiyaa.
Taas badalkeedana si uusan ugu soo laaban, waxaan aadaynaa;
Daaweynta cuntada
- Isticmaal toon(garlic) maxaa yeelay toontu waxa ay awood u leedahay burburinta bacteriyada iyo fangalka(fungi).Si aad ahna waxa ay ugu wanaagsantahay bacteriyada gaaska keenta ee (h.pylori)Waxaa laga yaabaa in aadan isku taxalujin laakiin waa dawo si fudud aad u isticmali karto aadna u yareyn doonta gubashada boga.
- Isticmaal sanjabiisha, waliba nuuca qoyan ee meelaha dawooyinka dabiiciga ah lagu gado taalaa
- Tufaaxa la shiiday ee cabitaan ahaan loo diyaariyay
- Cananaaska nuuciisa aan la shiidin ee qudaarta ah
- Karootada cabitaan ahaan loo diyaariyay
- Caleenta cagaaran ee shaaha.
Sidaa oo kale wax aaad isticmaali kartaa cuntada uu fitamin A ku badanyahay sida beerka, begelka, karootada, sabiibka iyo kuwo lamid ah.Maxaa yeelay fitamin A waxa uu muhiim u yahay shaqada caloosha iyo soo kabashada dahaarka caloosha.
Ka fogoow cuntada ama cabitaanka kugu kiciya calaamadaha gaaska
Dadka qaar waa ay garanayaan waxa ku kiciya gaaska hadana iskama deynayaan taasina waa mushkilo uu qofku keensanayo hadana uu xanuunkii kacabanayo. Hadii aadan aqoon nuuca cunto kugu kiciya waa ay fududahay garashadiisa;
Samee tallaabooyinkan
Ilaa labo isbuuc qor cuntada ama cabitaanka aad isticmaashay iyo saacada aad isticmaashay habeen iyo maalin kadibna qor xiligiga aad calaamadaha dareentay.
Kadib qiyaas xariirka ka dhaxeeya cuntadii aad isticmaashay iyo calaamadaha aad la daristay, isla markaana xaqiiji cuntada kugu keentay markalena ha isticmaalin.
Tusaalayaashaan hoose arag:
- Baasto ayaad basbaas ku cuntay kadib saacado waxaad aragtay kuleyl badan iyo wadna garaac, waad xaqiiqsan kartaa waxa kugu keenay.
- Waxa aad isticmaashay cocacola iyo pizza kadib saacado waxaad dareentay lalabo kuleyl iyo wadna garaac , dib ayaad xasuusatay waxaad isticmaashay waana aad ogaatay waxa ku haya iyo waxa kugu keenay.
Xaqiiji in aad cuntadaada si dhab ah u badashay oo aadan ku ekaan waqti gaaban.
Hadii aad rabto in aad si toos ah uga guulaysato gaaska waxaa dhab ah in lagaa rabo badalid nololeed.
Cun raashin isu dheeli tiran kana kooban raashinka qolofta leh, qudaarta cagaaran iyo mida miraha ah ee aan warshadaha soo marin.
Digniin
Ha cunin cunnooyinkaan haddii aad tahay qof gaas la nool
- Basbaaska
- Sabuulka
- Cuntada la qamiiriyay
- Shukulaatada
- Cabitaanada aashitada leh sida cocacola iwm
- Cuntada warshada soo martay
- Kafeega
- Kuntada saliida ama baruurta leh